Kooxda Inter Milan oo Taariikh cusub ka Sameysay kulankii Milan Derby 

0
39

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Inter Milan ayaa rikoor taariikhi ah oo aan horay loo arag ku gaartay kulamada Milan Derby ee ay la ciyaarto kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin Ac Milan kaas oo ahaa kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Inter Milan ayaa guul taariikhi ah ka gaartay kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Ac Milan iyaga oo ka gaaray guul 5/1 ah, kulan oo ka dhacay garoonka Giuseppe Meazza Stadium, kaasoo qeyb ka ahaa wareega afaraad ee tartanka.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Opta Sports Numbers and Statistics, Inter Milan ayaa badisay shan kulan oo xiriir ah oo Milan Derby ah tartamada oo dhan markii ugu horeysay taariikhda.

Waa markii labada kooxood ay ku kulmeen garoonka King Fahad Stadium ee caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, 18-kii January sanadkaan waxayna Inter ku badisay (3-0) ciyaartii Super Cup-ka Talyaaniga.

Labada kooxood ayaa mar kale ku kulmay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore February 5, 2023, sidoo kale Inter ayaa badisay (1-0).

Inter Milan ayaa sidoo kale lugtii hore ee semi-finalka Champions League ku garaacday kooxda Ac Milan (2-0) lugtii hore ee semi-finalka Champions League, waxayna ku celisay guusheeda kulankii labaad oo ay ku badisay (1-0) waxayna u soo baxday finalka.

Markii ay ciyaarta badiyeen Inter Milan ayaa dhibco dhan 12 ka gashay hogaanka horyaalka talyaaniga, halka Milan ay dhibco ahaan ka soo laabatay kaalinta 9-aad ee kaalinta saddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here