Kooxda Inter Milan oo la wareegtay Saxiixa Marcus Thuram

0
109

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay la wareegida saxiixa Marcus Thuram kaas oo ay kula soo wareegtay qaab xor ah, kadib markii uu u dhamaaday heshiiskii uu kula joogay kooxdiisi hore.

Xiddiga Marcus Thuram ayaa qalinka ku duugay heshiis gaarayo ilaa 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta San Siro ee Inter Milan.

Xiddiga u dhashay dalka France ayaa maalmo ka hor u saxiixay Inter laakiin waxa haatan si rasmi ah loogu soo bandhigay baraha bulshada ee kooxda Inter Milan.

Kooxda Gaartay Final-ka tartanka Champions League Eee Inter Milan ayaa doonaysa in ay sii wado dib u dhiska ay ku waddo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here