Kooxda Everton oo guul ka gaartay kooxda Arsenal.

0
159

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Everton kulan ka Tirsanaa premier League xilli ay Arsenal lumisay dhibco muhiim ah.

Kulanka ayaa ahaa mid ayna Arsenal soo bandhigin qaab ciyaareedkii looga bartay xilli ciyaareedkan kuna dhibaatootay kulanka.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamataay qaybta hore ee ciyaarta oo ayna Arsenal ahayn kooxdii aan daawanay xilli ciyaareedkan.

Qaybta dambe ayay labada kooxoodba isku dayeen in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan xilli ay Arsenal maamulaysay ciyaarta.

Mikel Arteta ayaa sameeyay khalad weyn kadib markii uu ciyaarta ka saaray xiddiga Thomas Partey kuna badalay xiddiga cusub ee Jorginho.

Everton oo isla markiiba koorne heshay ayaa daqiiqadii 60-aad hogaanka u qabatay ciyaarta waxana gool madax ah u dhaliyay xiddiga James Tarkowski kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

May be an image of 5 people, people playing sports and text that says 'EVE 1- 1-0 ARS Stake Cxm 20'

Wixi intaas ka dambeeyay Everton ayaa difaac gashay iyaga oo Arsenal u daayay in ay weerar qaado waxaana ay adeegsanayeen weeraro rogaal celis ah, Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal la kulantay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here