Kooxda Dekedaha ayaa Guul ay Ku Raafaday Waxay Ka Gaartay Kooxda Dowlada Hoose Kulan Ka Tirsan Horyaalka Jubbaland .

0
276

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kulanka Dhex Maray Labada Kooxood ee Horyaalka Heerka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Wuxuu Ku Bilowday Ciyaar Aad U dagan Inkastoo Goolal Badan La Iska Dhaliyey Qeybtii Dambe ee Ciyaarta .

Kulankan oo aad u adkaa ayaa qaybti hore waxa lagu kala Tagey 0-0 oo Labada Kooxood ay Dadaal Dheer U Galeen Iney Goolal iska Dhaliyaan Laakiin Meysan oo Barbaro ayey Galeen.

Qeybtii Labaad Ciyaarta Ayaa Dar-dar Ku Bilaabatay Marki La Isku Soo Laabtay Kooxda Dekedaha ayaa La Wareegtay Hogaanka Ciyaarta Waxaana Goolka Furitaanka Dhaliyey Ciyaryahanka ibraahim Maangow oo Lambarka 8 Uxiran Kooxda Dekadaha .

Mar kale ayey Dakedaha ayaa Shabaqa Taabtay oo Sii Dheeraysatay Hogaanka Ciyaarta Waxayna Ka Dhigeen 2-0 Waxaana Mar kale Shabaqa Taabtay Ibraahim Maangow .

Kooxda Kale ee Dowlada Hoose ayaa Dadaal Dheer u Gashay Sidii ay isaga Gudi Lahayd Labada gool ee lagu Lahaa.

Ciyaaryahanka Khadka Dhexe Usaame ayaa kooxdiisa Dowlada Hoose u Dhaliyey Gool Cajiib ah oo Laad Xor ah Waxayna Ciyaarta Sida Ku Noqotay 2-1 oo Wali Dekedaha Hogaanka Ku Hesyo Ciyaarta .

Xidiga Khadka Dhexe ee Ibraahim Maangow ayaa Mar Sadexaad Gaaray Shabaqa Kooxda Dowlda Hoose Waxayna Ciyaarta Sida Ku Noqatay 3-1 oo Wali ay Ku Horkacayso Kooxda Dekedaha .

Xidiga Khadka Dhexe ee Kooxda Dekadaha Ibaahim Maangow ayaa Kulankaan Wuxuu u ahaa Kulan Qaali Maadaama uu Kooxdiisa Guul ku Hogaamiyey Galabtana uu Sadexley ugu Deeqay Kooxdiisa.

Kulanka Gabagabadii Kooxda Dowlada Hoose ayaa La Timid Gool Soo Daahay Waxaana Goolka u Dhaliyey Ciyaaryanka Lagu Magacaabo Sadaam Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 3-2 oo Wali Hogaanka Looga Hayo Kooxda Dowlada Hoose .

Ugu Danbaynti Ciyaarata ayaa Kusoo Gaba-gabowday 3-2 oo ay Guul Ku Gaartay Kooxda Dekedaha oo Guushedi Labaad Gaartay Xilli Ciyaaredkan.Image may contain: 2 people, people playing sports, stadium, grass and outdoorImage may contain: one or more people, people playing sports, stadium, grass and outdoorImage may contain: 1 person, playing a sport, stadium and outdoorImage may contain: one or more people and outdoorImage may contain: one or more people, people playing sports, stadium, sky and outdoorImage may contain: 1 person, playing a sport, stadium, grass and outdoorImage may contain: one or more people, people playing sports, stadium and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people playing sports and outdoorImage may contain: one or more people, people playing sports, stadium and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here