Kooxda Dakadaha ayaa Guul ay Ku Raafaday Waxa ay Ka Gaartay Kooxda Majaangow

0
399

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kulankan Dhexmaray Kooxaha Dakadaha Iyo Majaangow ayaa ahaa Kulan Xiiso Badan oo Walibo Goolal Fara Badan La Iska Dhaliyey.

Kooxda Dekedaha ayaa Waxa ay Guushan uga Dhigan Tahay in Markeedi ugu Horaysay ay Guul Gaartay iyadooona ay Xusid Mudnayd in ay Ka Maqnayeen Saxiixyadeeda Cusub ee Kala ah Fu’aad Nokia iyo yoonis .

Kooxda Maajangow ayaa qaybti labaad Waxaan Casaan Ka qaatay Ciyaaryahanka Cabdixaafid oo Kulanki ugu Danbeyey Wacdaro Soo Dhigay Waxaana uu Qaatay Casaan Toos oo Dhabar Jab Ku Noqotay Kooxda Majaangow oo Danaysay in ay Kulankaana Guul Kale Gaarto.

Kulanka oo Goolasha La iska Dhaliyey ayaa waxaa ay Gaareysaa 5-4 oo ay Guusha Ku Raacday Kooxda Dekedaha .

Dakadaha ayaa Guusha ay Ka Gaartay Kooxda Majaangow waxa ay eheyd Guul ay u Baahneyd , Dhanka kale Kooxda Majaangow ayaa ku Dadaashay iney Guul ka Gaartay Kooxda Dekadaha Laakiin Ma aysan Dhici oo Guuldaro ayeyna kala tagtay Garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo.

Kooxda Dekedaha ayaa Kulanka Soo Socda La Ciyaaraysa Kooxda Dowlada Hoose oo Ka Mid ah Kooxaha u Tartamaya Ku Guulaysiga Horyaalka Heerka Koowaad ee Jubbaland .Image may contain: one or more people, people playing sports, grass and outdoorImage may contain: 4 people, grass and outdoor

Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoorImage may contain: one or more people, stadium, grass, sky and outdoorImage may contain: one or more people, stadium and outdoorImage may contain: 2 people, grass, sky, stadium and outdoorImage may contain: one or more people, people playing sports, grass, stadium and outdoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here