Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee João Pedro kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Warbaahinta ayaa xaqiijineyso in ay kooxda Chelsea João Pedro ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah, kaas oo ay ku bixisay lacag dhan 50 milyan oo Euro.
Xiddiga João Pedro ayaa maalinta Talaasada mari doona tijaabada caafimaadka ee kooxdiisa cusub ee Chelsea si uu u dhamaystiro heshiiska, Xiddiga ayaa kadib u duuli doona dalka Maraykanka si uu Chelsea ugala qayb galo tartanka koobka kooxaha adduunka.