Kooxda Chelsea oo Heshiis Cusub usoo bandhigtay N’Golo Kante

0
113

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka Chelsea ay dalab cusub u soo bandhigeen xiddigooda reer France ee N’Golo Kante si uu qalinka kugu duugo heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

N’Golo Kante oo 31 jir ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan kooxda Chelsea tan iyo markii uu xagaagii 2016 uga soo wareegay kooxda Leicester City.

Heshiiska xiddiga reer France ee N’Golo Kante ayaa dhacaya xagaaga dambe kooxdiisa ayaana doonaysa in ay sii haysato xiddiga halkii uu ay qaab xor ah ku waayi lahaayeen.

Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay kooxda Chelsea wada hadalo kula jirto Kante iyaga oo dalab Rasmi ah u soo bandhigay xiddiga si uu u sii joogo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here