Kooxda Chelsea oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Tababare Thomas Tuchel

0
202

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxdiisa.

48 jirkan ayaa shaqada kala wareegay France Lampard bishii January ee sanadkii 2021 waxana uu kooxda kula guulaystay champions League qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkaas.

Tuchel ayaa kadib kooxda kula guulaystay koobabka UEFA Super Cup iyo Club World cup halka uu xilli ciyaareedkii hore kooxda geeyay Final-ka koobabka League cup-ka iyo FA Cup-ka.

Heshiiska Tuchel ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda ku ciyaarta stamford Bridge, Kooxda Chelsea ayaa wadahadalo la fureysa tababaraha si ay u hubiso in uu sii joogo kooxda wixii ka dambeeya heshiiskiisa.

Milkiilaha cusub ee kooxda Todd Boehly ayaa doonaya in uu Tuchel qalinka ku duugo heshiis cusub oo 2 sano ah oo koxda ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here