Kooxda Chelsea oo dib u heli karta taageerayaasheeda kulanka wareegga afar-dhammaadka tartanka FA Cup-ka & Cidda kala shaqeyneysa arrintaas oo la baahiyay

0
106

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu wadaa inay dib u hesho taageerayaashaada oo garoonka ku sugan marka ay garoonka Wembley kula ciyaareyso naadiga Crystal Palace ciyaarta wareegga afar-dhammaadka tartanka FA Cup-ka sida lagu helayo wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska.

Blues ayaa haatan ka ganaaxan inay taageerayaasheeda ka iibiso tikidhada lagu daawado ciyaarta kaddib cuno-qabateyntii ay dowladda Ingiriiska saartay mulkiilaha kooxda ee Roman Abramovich, waxayna taasi sababtay inay kooxda ka dhisan galbeedka London taageere la’aan la ciyaartay naadiga Middlesbrough wareeggii siddeed-dhammaadka inkastoo ay ku adkaatay 2-0 si ay ugu soo gudubto wareeggan.

Sida laga soo xigtay BBC Sport, Chelsea ayaa dib u heli karta taageerayaashaada oo u sacabbo tumaya ciyaarta ay la balansan tahay The Eagles iyadoo xiriirka kubadda cagta England ee Football Association (FA) uu dowladda kala shaqeynayo in kooxda heysata horyaalnimada Yurub loo ogolaado inay iibiso tikidhada kulankan.

“Tani waxaa ku jira tikidhada taageerayaasha Chelsea ee ciyaarta Crystal Palace, waxaan dowladda kala shaqeyneynaa hab lagu helo tikidhada iyadoo la tix gelinayo cuno-qabateynta haatan dul saaran naadiga Chelsea” ayuu yiri af-hayeen u hadlay xiriirka FA.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ayaa tartankan laga qaaday xilli ciyaareedkii hore kaddib markii ay Leicester City kala kulantay guuldarro ciyaar ku dhammaatay 1-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here