Kooxda Chelsea oo dalab ka gudbisay saxiixa Romeo Lavia.

0
104

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Southampton ee Romeo Lavia.

Kooxda u dhaadhacday horyaalka heerka 2-aad ee Championship ayaa dalbanaysa 50 milyan oo euro waxaana ay Liverpool ka diiday 3 dalab oo uu midkii ugu dambeeyay ahaa 46 milyan oo euro.

Southampton ayaa ku kalsoon in ay heli doonaan lacagta ay ku qiimeenayaan xiddiga iyaga oo aaminsan in ay Man City bixin karto 45 milyan oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa xagaaga dambe.

Kooxda Chelsea oo ku dhibaatootay saxiixa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo ayaa sidoo kale la filaya in ay 20 milyan kula wareegto xidiga kooxda Leeds ee Tyler Adams.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here