Kooxda Brighton oo xaqiijisay in tababarahooda uu ka tagi doono.

0
41

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa ku dhawaaqday in tababare Roberto De Zerbi uu ka tagi doono kooxdooda, kadib kulankooda ugu dambeeya horyaalka Premier League ee ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Manchester United.

Tababare De Zerbi ayaa yiri “Aad ayaan uga xumahay in aan ka tago Brighton, laakiin aad ayaan ugu hanweynahay waxa ay ciyaartoydayda iyo shaqaalaheyga ay ku guulaysteen iyaga oo taageeraya qof walba oo kooxda ah iyo taageerayaasheenna cajiibka ah labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Waxaan ku heshiinay inaan soo afjarno waqtigayga kooxda Brighton si aniga iyo naadigu aan u sii wadno inaan u shaqeyno habka ugu habboon qof kasta oo naga mid ah, anagoo raacayna fikradaheena iyo aragtideena, iyo sidoo kale shaqadayada iyo qiyamka aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here