Kooxda Brighton oo Liverpool ka reebtay koobka FA Cup-ka

0
103

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa laga reebay koobka FA Cup-ka kadib markii ay guuldaro kale kala kulmeen kooxda Brighton oo 2-1 uga badisay kulan xiiso badan oo dhexmaray labada kooxood.

Reds oo shax adag soo saftay ayaa ciyaarta hogaanka uqabatay daqiiqadii 30-aad kadib markii uu xidiga Harvey Elliot shabaqa soo taabtay kadib caawimaad uu ka helay xidiga Mohamed Salah.

Laakiin hogaankooda waxa uu waaray kaliya sagaal daqiiqo iyadoona kooxda Brighton ay fursad u heshay daqiiqadii 39-aad inay barbareyso ciyaarta oo ay ka dhigto 1-1, katbtanka kooxda Dunk ayaa shabaqa soo taabtay ka dib caawimaad uu ka helay xidiga Lamptey. Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.

Qeybtii labaad labada kooxood ayaa dheelay ciyaar adag, waxayna u muuqatay inay ciyaarta ku dhamaaneyso barbaro oo kulan ku celis ah la isku balansan doono.

Balse daqiiqadii 2aad oo shan daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray ciyaarta, laad xor ah oo loo dhigay Brighton ayay Liverpool awoodi weysay inay iska bixiso kubada.

Waxaa kubada si xarago leh u koontaroolay xidiga Mitoma ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Allison, VAR ayaa eegtay inuu offside jiray laadka xorta ah markii la soo qaadayay laakiin wax qalad ah lama arkin, waxaana sidaas lagu ogolaaday goolka.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Brighton ku garaacday Liverpool iyadoo Liverpool ay durba ka hartay Carabao Cup iyo FA Cup halka ay kaalinta 9aad ugu jiraan Premier League, waxaana wareega 16ka Champions League ku sugeysa Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here