Kooxda Brighton oo diiday dalab laga soo gudbiyay Xidiga Caicedo 

0
223

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Brighton ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday diiday dalab ay ka gudbisay koox aan la shaacin sida ay sheegayaan wararku, Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay Brighton iyada oo Blues doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo.

Brighton ayaa chelsea ka diiday 3 dalab oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe iyada oo dalabkii ugu dambeeyay ahaa mid 80 milyan ah, Laakiin rajadii chelsea ee saxiixa Caicedo ayay dhibaaxo la kulantay kadib markii ay Brighton heshay dalab 8 milyan oo euro sida laga soo xigtay wargayska Athletic.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Brighton diiday dalab 80 milyan ah oo looga doonayay xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here