Kooxda Bayern Munich oo ka shaqeynaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd mid ka mid ah xiddigaheeda

0
282

Munich(Idaacadda Waamo)-Sida wararku ay sheegayaa Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa ka shaqeynaysa sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd ciyaaryahankeeda khadka dhexe ee Leon Goretzka.

26-sano jirkaan ayaa muujiyay inuu yahay mid muhiim u ah nidaamka macallin Hansi Flick, isagoo dhaliyay 7 gool, isla markaana sagaal oo kale caawiyey 27 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan fasal ciyaareedkan.

Inkastoo uu si joogto ah ugu ciyaarayay Bayern Munich labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, heshiiskii hore ee Goretzka uu kula jiray kooxda Bavarian ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Waxaana maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayey in Goretzka qeyb looga dhigayo heshiis isreefsi ah oo ay kula soo wareegayaan xiddiga Juventus ee Rodrigo Bentancur.

Si kastaba ha noqotee, qabiirka dhanka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in Bayern Munich ay xaqiiqdii ka shaqeynayso sidii ciyaaryahankii hore ee Schalke uga saxiixan lahayd heshiis cusub, isla markaana uu ku jiro qorshahooda mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here