Kooxda Barcelona oo Xaqiijisay Lambarka uu Xiran Doono  Robert Lewandowski

0
200

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay lambar uu ciyaartoy kale haysto u bannayso weerarayahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo markii ugu horreysay xalay la midoobay ciyaartoyda kooxdiisa cusub oo uu ugu tegay waddanka Maraykanka.

33 jirkan ayaa saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo lagu darayo sannad kale oo dheeraad ah oo dookh ah, waxaanay Barcelona kasoo bixisay £42.5 milyan oo Gini.

Lewandowski ayaa tegay Barcelona oo lambarkii uu muddada dheer soo xidhnaa ee No.9 uu haysto weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay, waxaana hadda ay kooxdu u diyaarinaysaa lambarkii uu xidhan lahaa oo looga saarayo ciyaartoy kale oo in muddo ah ku sugnaa Camp Nou.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa doonaysa inay Robert Lewandowski ku wareejiyo No.9 oo uu xidhan yahay weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay, kaas oo lagu wargeliyey in aanu ku jirin qorshaha Barcelona ee  xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here