Kooxda Barcelona oo Si Rasmi ugu Dhawaaqday Xavi Hernandez

0
178

Barcelona-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Xavi Hernandez uu yahay tababaraheeda cusub ee beddelay Ronald Koeman oo ay shaqada ka caydhisay dhamaadka bishii October.

Barcelona ayaa xalay saqdii dhexe ku dhawaaqday in Xavi Hernandez uu kusoo laabtay kooxdiisa hore ee uu ka maqnaa muddo lix sannadood ah, isla markaana uu yahay tababraheeda cusub, laakiin maalinta Isniinta ee soo socota ay si rasmi ah usoo bandhigi doonto.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here