Kooxda Barcelona oo Diwaan Galisay Inta badan Xiddigahii Cusub ee Kooxda.

0
267

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Barcelona ayaa diwaan galisay xiddigaha cusub ee kooxda ku soo biiray suuqa xagaagan marka laga reebo hal xiddig oo ayna wali diwaan galin.

Barcelona ayaa maanta bilaaban doonta xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga waxana ay diwaan galisay xiddigihii kooxda ku cusbaa iyo kuwii ay heshiiska cusub ka saxiixatay.

Tababare Xavi ayaa sameeyey 5 saxiix oo cusub suuqa xagaagan iyo waliba laba xiddig oo ay heshiis cusub ka saxiixatay.

Maamulka La Liga ayaa xaqiijiyay Kooxda Barcelona ay diwaan galisay xiddigaha kala ah Robert Lewandowski, Raphinha, Franck Kessie & Andreas Christensen iyaga oo ka reebay diwaan galinta xiddigaha daafaca cusub ee Jules Kounde oo xagaagan kusoo biiray.

Xiddigaha ay heshiiska cusub ka saxiixatay ee Ousmane Dembele & Sergi Roberto ayay sidoo kale kooxdu ka diwaan galisay La Liga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here