Kooxda Arsenal oo Looga Digay Inay 80 Milyan ka bixiso Xiddiga Moises Caicedo

0
154

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Tim Sherwood ayaa Arsenal uga digay in ay lacag waali ah ka bixiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo.

Arsenal ayaa dalab 60 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa Moises Caicedo laga diiday waxana la filayaa in ay Gunners dalab cusub kula laabato ka hor xidhitaanka suuqa January.

Laakiin Sherwood ayaa u sheegay Gunners in ay ka fiirsato oo ayna lacag waali ah ka soo bixin xiddiga Moises Caicedo.

Tim Sherwood ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan u maleynayaa in cunuga (Moises Caicedo) uu u baahan yahay inuu si taxadar leh u eego, waa inuu fiiriyaa saaxiibkiis Bissouma oo aaday Tottenham”.

“Qof walba wuu amaanayey wiilkaan waxana la is waydiinaya meesha uu aadi doono, waxana uu ku dambeeyay Tottenham laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu ciyaaro haatan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here