Kooxda Arsenal oo la Wareegtay Goolhayaha Brighton ee Mathew Ryan

0
285

Arsenal -(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixeedii 2-aad isla bishaan January iyadoo ay horey ula wareegen xiddiga Omer Rekik.

Kooxda Arsenal ayaa warbixin ku soo saartay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhayaha Mathew Ryan kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegtay kooxda Brighton ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mathew Ryan ayaa noqon doona Goolhayaha 2-aad ee kooxda isaga oo badal u noqon doona Goolhaye Bernd Leno kaas oo ah Goolhayaha 1-aad ee Kooxda Arsenal .

Mat Ryan poses for a photo in his new Arsenal shirtImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here