Kooxda Arsenal oo iska iibineysa Lix Ciyaaryahan

0
448

London(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayayso inay iska iibiso lix ciyaaryahan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Tababaraha kooxda Gunners ee Mikel Arteta ayaa rajeynaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka 2020-21, inkastoo ay jirto saameyn dhaqaale oo uu sababay coronavirus ayaa haddana laga yaabaa inay ka dhigato inuu Macalinka reer Spain uu qiimeyn ku sameyn doono istiraatiijiyaddiisa suuqa kala iibsiga.

Arsenal ayaa la sheegay inay suuqa ugu jirto ciyaaryahan khadka dhexe ka ciyaara oo cusub, iyadoo xiddiga Atletico Madrid ee Thomas Partey loo maleynayo inuu imaanayo, laakiin Gunners ayaa la filayaa inay iska iibiso dhowr ciyaartooy si ay u helaan lacagaha lagama maarmaanka u ah.

Sida laga soo xigtay Bleacher Report, kooxda ka dhisan waqooyiga Magaalada London ayaa diyaar u ah inay iska iibiso ilaa lix ciyaaryahan xagaagan.

Labada xiddig ee daafaca ka ciyaara, Shkodran Mustafi iyo Sokratis ayaa la sheegay inay Emirates ku wajahayaan mustaqbal aan la hubin, halka heshiiska qandaraaskiisa ee Pierre-Emerick Aubameyang ay tahay walaac kale oo ku saabsan madaxda Arsenal.

Gunners ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay u furan tahay inay iibiso Henrikh Mkhitaryan, kaasoo xilli ciyaareedkii 2019-20 amaah ku qaatay kooxda Roma.

Si kastaba ha haatee, xiddigaha Shkodran Mustafi, Sead Kolasinac, Hector Bellerin, Granit Xhaka & Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka mid ah xiddigaha ay Arsenal iska iibin doonto xagaagan sida uu Wargaysku sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here