Kooxda Arsenal oo Heshiis Muddo Dheer ah Ku Abaal Marineyso Mid Ka Mid ah Xiddigaheeda 

0
208

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh ka samaynayso sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd Gabriel Martinelli.

Laacibka reer Brazil ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ee ay Arsenal 3-2 kaga badisay Liverpool axadii, iyadoo ay ka dhigayso goolashiisa xilli ciyaareedka afar gool sagaal kulan oo Premier League ah.

Kadib qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Martinelli, Gunners ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga garabka ka ciyaara kaas oo heshiiskiisa haatan uu dhacayo ilaa June 2024 iyada oo uu ku jiro dookh sanad kale ah .

Sida laga soo xigtay Football Insider, Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula laacibkooda kaasi oo la soo siganayo in uusan diidaneyn in qalinka iyo warqadda uu is dul saaro.

Heshiiska la soo jeediyay ayaa socon doona ilaa 2026 waxaana ku jira ikhtiyaarka lagu kordhin karo sanad kale, halka warbixintu ay soo jeedinayso in Martinelli uu heli doono mushahar kordhin weyn.
95-kii kulan ee uu u saftay Arsenal, Martinelli waxa uu diiwaan gashaday 22 gool iyo 15 caawin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here