Kooxda Arsenal oo boorka ka Jafatay Rikoor Xun oo ay Arsenal dhigtay 15-sano kahor

0
75

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa garaacday Kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa Tartanka koobka FA Cup-ka ee dalka England.

Arsenal ayaa laga reebay tartanka FA Cup-ka kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Liverpool, Arsenal ayaa looga badiyay 2/0 kulan ay inta badan ahaayeen kuwa fiican qaybtii hore ee ciyaarta.

Kadib natiijada Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay dhigtay 15 sano ka hor tartamada oo dhan, Arsenal ayaa laga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah oo laga dhaliyay 2 gool iyo wax ka badan markii ugu horaysay tan ilaa May 2009.

Wakhtigaas Arsenal ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Man United ka hor inta ayna guuldaro 4/1 ah kala kulmin Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here