Kooxda Al-Ittihad oo dalab ka gudbisay Xiddiga Mohamed Salah.

0
141

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa miiska loo saaray dalab 60 milyan ah oo ay ka helayso kooxda Al-Ittihad iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga ugu muhiimsan xidigaha kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Kooxda Ittihad ee ka dhisan dalka Sacuudiga ayaa ku guulaystay horyaalka wadanka sucuudiga waxayna ay haatanba is xoojisay kooxda iyagoo la soo saxiixday xiddigaha Benzema, Fabinho iyo Kate.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda ka ciyaarta sucuudiga diyaar u tahay in ay Mohamed Salah mushahar ahaan u siiso 180 milyan oo euro muddo 2 sano ah isla markaas Liverpool miiska u saari doonto 60 milyan oo euro.

Ilo wareedyo ku dhaw xiddiga ayaa sheegaya in uu Salah wadahadalo kula jiro kooxda ka ciyaarta sucuudiga iyada oo dalabka loo soo bandhigay uu soo jiidanayo xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here