Kooxaha Manchester United iyo Leicester City oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford

0
194

Manchester (Idaacadda Waamo)-Kooxaha Manchester United iyo Leicester City ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Leicester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad kooxda martida ahayd ee Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Kelechi Iheanacho kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis James Maddison.

Laakiin 66 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester United ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga khadka dhexe reer Brazil ee Fred.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Leicester City kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka tirsaneyd horyaalka Premier League oo ay ku ciyaareen garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here