Kooxaha Manchester City iyo Liverpool oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Etihad

0
169

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Etihad, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 5-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay dheesha Kevin De Bruyne kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Bernardo Silva.

13 daqiiqo marka ay dheesha mereysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Diogo Jota oo ay caawin kaga timid Alexander-Arnold.

Laakiin markake Manchester City ayaa daqiiqadii 36-aad hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Gabriel Jesus kaddib markii ay caawin kaga timid João Cancelo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

46 daqiiqo marka ay dheesha ahayd Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca Sadio Mané oo cawin ay kaga timid Mohamed Salah ayaana ka dhigay 2-2.

Ugu damebyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester City iyo Liverpool, City ayaa wali ku hoggaamineysa horyaalka Premier League 74 dhibcood halka Reds ay leedahay 73 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here