Kooxaha Lacagta Ugu Badan Galiyay Suuqii Xagaaga

0
26

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Waxa si Rasmi ah u soo xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu haatan diirada saari doonaan xiddigaha ay haystaan.

Kooxo badan ayaa wacdaro ka dhigay suuqa kala iibsiga xagaaga waxana ay sameeyeen saxiixyo badan.

Kooxda chelsea ayaa sidii caadada ahayd samaysay saxiixyada ugu badan isla markaas suuqa galisay lacagta ugu badan suuqii xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa suuqa galisay lacag dhan 261 milyan oo euro waana kooxda lacagta ugu badan suuqa galisay.

Waxa ku xigta kooxda Brighton oo suuqa galisay lacag dhan 231 milyan oo euro waxana ku xigta kooxda Man United oo suuqa galisay 215 milyan.

Atletico Madrid ayaa ku xigta oo suuqa galisay lacag dhan 185 milyan oo euro.

Halkan Kaga Bogo Kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here