Kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig ka tirsan Arsenal

0
269

Yurub(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa kula soo biirtay naadiga Barcelona loolanka loogu jiro adeega laacibka ka tirsan Arsenal ee Mattéo Guendouzi, si uu ula saxiixato inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Sun” ee dalka England ciyaaryahanka reer France ee Mattéo Guendouzi ayaa la fahansan yahay inuu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta ee Gunners, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu ka tago garoonka Emirates xagaagan.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Gunners ay codsatay adduun lacageed dhan 40 million pounds sterling, si ay u iibiso 21 jirka reer France, kaddib markii ay Paris Saint-Germain kula soo biirtay naadiga Barcelona loolanka loogu jiro saxiixa Guendouzi.

Wargeyka “The Sun” oo xiganaya “Football London” ayaa cadeeyay in kooxda PSG ay raadineysay adeega Mattéo Guendouzi, tan iyo sanadkii 2014, waxayna markale soo nooleysay xiisaha ay u qabto adeega laacibkan reer France.

Barcelona ayaa horey u soo bandhigtay xiisaha ay u qabto adeega Guendouzi, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan inay wada hadal kula jiraan wakiilka laacibka, sidoo kale xiddigan ayaa wuxuu yabooh ka helayaa naadiga reer Spain ee Villarreal, gaar ahaan tababare Unai Emery ayaa doonaya in mar kale uu la shaqeeyo laacibkan, kaddib markii ay horey uga wada shaqeeyeen kooxda reer London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here