Kooxaha, Arsenal, Barcelona, Juventus, Bayern Munich & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono SHANTA horyaal ee ugu waa weyn Yurub

0
266

Yurub(Idaacadda Waamo)-Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, iyo Bundesliga dalka Jarmalka, xilli wax kulan ah aan maanta ka jirin horyaalka Ligue 1 dalka France.

Kooxaha Arsenal, Barcelona, Juventus, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Leicester City ayaa ka mid ah kooxaha maanta iyo caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan kooxaha Burnley vs Arsenal, & midka ay Leicester City booqan doonto kooxda Brighton.

Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Osasuna soo dhaweyn doonto Barcelona, halka horyaalka Bundesliga ay Bayern Munich caawa fiidkii ay soo dhaweyn doonto naadiga Borussia Dortmund.

Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa soo dhaweyn doonta Naadiga Lazio.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03: 30 Galabnimo: Burnley vs Arsenal

06:00 Maqribnimo:Sheffield United vs Southampton

08:30 Habeenimo: Aston Villa vs Wolverhampton Wanderers

11:00 Habeenimo: Brighton & Hove Albion vs Leicester City.

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo: Real Valladolid vs Getafe

06:15 Maqribnimo: Elche vs Sevilla

08:30 Habeenimo: Cadiz vs Eibar

11:00 Habeenimo: Osasuna vs Barcelona.

ITALY – SERIE A

05:00 Galabnimo: Spezia vs Benevento

08:00 Habeenimo: Udinese vs Sassuolo

22:45 Habeenimo: Juventus vs Lazio.

GERMANY – BUNDESLIGA

05:30 Galabnimo: Borussia Moenchengladbach vs Bayer Leverkusen

05:30 Galabnimo: Eintracht Frankfurt vs VfB Stuttgart

05:30 Galabnimo: Freiburg vs RasenBallsport Leipzig

05:30 Galabnimo: Hertha Berlin vs Augsburg

05:30 Galabnimo: Hoffenheim vs Wolfsburg

08:30 Habeenimo: Bayern Munich vs Borussia Dortmund.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here