Koeman oo si cad kaga hadlay xaqiiqada ku aadan wararka la xiriirinayay Barcelona saxiixa Wijnaldum

0
237

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Macalinka reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka baxay aamusnaanta wuxuuna si cad kaga hadlay xaqiiqada ah inuu doonayo inuu la saxiixdo Georginio Wijnaldum xilli ciyaareedkan.

Georginio Wijnaldum ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu ku biirayo Barcelona inta lagu gudi jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, iyadoo kooxda reer Catalonia aysan ku guuleysan heshiiska ay ku dooneysay laacibka reer Holland.

Ronald Koeman ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay wararka la xiriirinayay saxiixa Georginio Wijnaldum, wuxuuna yiri.

“Waxaan rajeyneynaa inaan helno nin kale oo reer Holland ah, si uu qeyb kaga noqdo liiska xiddigaha kooxda Barcelona”.

“Wijnaldum wuxuu ku jiray liiska xiddigaha aan ka codsaday suuqii xagaaga”.

Intaas kaddib wuxuu ka hadlay in xiddiga kale reer Holland iyo kooxda Lyon ee Memphis Depay uu ka doonayo naadiga Barcelona wuxuuna yiri:

“Waa xiddig aad u fiican ee ka ciyaari kara weerarka iyo garabka bidix, waa xiddig xoogan, isla markaana xakameyn karaa kubadda, wuxuuna soo bandhigi karaa bandhigyo cajiib ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here