Klopp oo war farxad leh u sheegay taageerayaasha Liverpool kahor kulanka Inter

0
127

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in xiddigihiisa dhaawaca ah ee Thiago Alcântara, Roberto Firmino iyo Joël Matip ay ku soo laabteen tababarka kooxda kadib markii ay ka soo kabteen dhaawacyo ay qabeen.

Liverpool ayaa martigelin doonta kooxda reer Talyaani ee Inter Milan, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League.

Lugtii hore ayaa kusoo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Liverpool, taasoo ka dhigeysa inay u muuqato mid u soo baxday wareega xiga ee siddeeda tartanka Champions League.

Jürgen Klopp oo ka soo muuqday shir jaraa’id maanta ayaa wuxuu kaga hadlay xaalada dhaawacyo ee kooxda Liverpool, wuxuuna yiri:

“Waxaan filayaa in qof walba uu si buuxda u tababartay shalay, ma hubo ilaa hadda waxa saxda ah ee aan sameyn doono, laakiin waan arki doonaa sida ay xaalada noqoto kahor kulanka Inter.”

“Thiago Alcântara wuxuu dhaawacmay todobaad kahor, marka maanta waxaan ku arki doonaa tababarka, Matip waxa uu dhaawacmay kahor saddex maalmood, laakiin Firmino waxay qaadatay waqti dheer.”

“Waxaa muuqata in aan maanta si sax ah u tababaran, wuxuu ahaa hal tababar, markaa way adag tahay in la qiimeeyo sida ay ugu diyaarsan yihiin kulanka soo aadan, laakiin dhinaca caafimaadka diyaar ayay u yihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here