Kismaayo oo marti gelineeyso shir looga hadlaayo Waxbarashada Dalka

0
203

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa  waxa uu garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno wasiirro waxbarasho ah oo ka kala socday Dowlad Goboleedyada dalka.

Soo dhaweeyntani ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa xubno ka tirsan Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo xubno ka socday Wasaraadda waxbarashada,Masuuliyiintaan lagu soo dhaweeyay magaalada kismaayo ayaa u jeedka ay u yimaadeen ah in ay ka qeyb galaan shir looga hadli doono waxbarashada soomaaliya laguna qaban doono magaalada kismaayo,waxaa uuna Socon doono muddo 3 maalin ah.

Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here