Kismaayo oo maanta lagu doortay seddax kursi

0
114
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Jubbaland ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.
Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa kala ah, Xildhibaan Nasro Mahdi Carraale oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#023 ee golaha shacabka BJFS.
2- Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#092 ee golaha shacabka BJFS.
3- Cadar Xareed Jibriil oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#132 ee golaha shacabka BJFS .
Kadib Doorashada waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland wuxuu ka warbixiyey sidee wax u dhaceen.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here