Khasaare ka dhashay Daadad xalay ku soo rogmaday gudaha magaalada Qardho

0
344

Qardho(Idaacadda Waamo)Roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay Magaalada Qardho oo ka tirsan Gobolka ay Puntland u taqaano Karkaar iyo deegaannada hoostaga ayaa waxaa uu sababay in daadad xoog badan ay kusoo rogmadaan Magaalada Qardho.

Biyo farabadan ayaa lagu soo waramayaa inay buux dhaafiyeen xaafadaha kala duwan Magalada Qardho,kuwaas oo burburiyey Guryo ay sugnaayeen dad rayid ah,sidoo kalena uu baabi’iyey Goobo Ganacsi,waxaana sidoo kale jira dad ku dhintay daadadkaas.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Puntland ay u taqaano Karkaar Gaashaanle Dhexe  Cabdi Caseyr Yuusuf ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux,balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dad farabadan la soo badbaadiyey Ciidamada Booliska Gobolkana aty wadaan gurmad kala duwan oo laga soo badbaadinayo  xaafadaha qaar ee Magaalada Qardho oo ay ku go’doonsan yihiin.

Maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay wadaan gurmad ballaaran,hayeeshee ay u baahan yihiin in la caawiyo maadaama daadadka ay yihiin kuwo xoogan.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Magaalada Qardho ayaa waxaa ay sheegayaan in inta badan Xaafadaha Magaalada ay daadadka sameeyeen,isla markaana dadka qaarkood la badbaadiyey halka kuwo kale xaafadaha qaar ku Go’doonsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here