Karim Benzema oo Tiigsanaya Rikoor uu horey u dhigey Ronaldo.

0
305

Kismaayo (Idaacadda Waamo) Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa isha ku haya in uu bar-bareeyo ama jabiyo rikoodh champions League ah marka ay Los Blancos caawa la ciyaari doonto kooxda Man City.

Benzema ayaa inta badan ahaa xiddiga 2-aad ee Real Madrid marki uu Ronaldo joogay kooxda laakiin xiddiga reer France ayaa ah xiddiga 1-aad ee kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee kooxda Lyon ayaa Real Madrid u dhaliyay 14 gool oo champions League 10 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

9 ka mid ah goolasha Benzema ee champions League ayaa yimid wareegyada bug baxa waxana uu noqday xiddiga reer France ee ugu goolasha badan xilli ciyaareed kaliya oo champions League ah.

Hadii uu Benzema dhaliyo gool caawa waxa uu bar-barayn doonaa rikoodhkii uu Ronaldo ka dhigay champions league halka hadii uu dhaliyo 2 gool jabin doono rikoodhka uu Ronaldo ka dhigay tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here