Karim Benzema Oo Rikoodh Ka Jabiyay Thierry Henry Koobka  Champions League

0
666

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Weerarka uga Ciyaara kooxdar Real Madrid ee Karim Benzema ayaa isku qoray Taariikhda Champions League Kulankii Xalay PSG ee  Kooxdiisu La Kulantay Guuldaro Madax Xanuun ah oo 3/0 ahayd.

Kulankii Xalay  ayuu u ahaa Midkii 113 ee uu ka ciyaaro tartanka Champions League isaga oo Dhaafay Xiddigii hore ee Xulka Qaranka France ee Thierry Henry Kaas oo Saftay 112 kulan oo Champions League

Benzema ayaa haatan Ah Xiddiga 4-aad ee Xiddigaha ugu Goolasha badan Taariikhda Tartanka Champions League isaga oo Ka Dambeeya Xiddigaha Cristiano Ronaldo , Lionel Messi & Raul.

112-kii kulan ee champions League ee uu Benzema ciyaaray ayuu 19 ka mid ah u soo ciyaaray kooxda Lyon halka uu 93 kulan oo kale u soo ciyaaray kooxda Los Blancos.

Karim ayaa haatan bartilmaameedsanaya in uu sii dheeraysto rikoodhka xiddiga reer France ee ugu safashada badan tartanka ugu magaca weyn yurub ee Champions League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here