Kalluumeysato ku dhintay dabeylo ku dhuftay xeebaha Muqdisho

0
324

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka jiray mowjado dabeylo ah oo aad u xoogan, waxaana lasoo sheegayaa khasaare naf iyo maalba leh oo kasoo gaartay kalluumeysatada.

Ugu yaraan lix ka mid ah kaluumeysatada doomaha yar yar ku jillaabta ayaa ku dhintay dabeylaha daran ee ka jira xeebaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira waxaa lagu la’ayahay xeebaha qaar ka mid ah kalluumaysatada iyo duumahoodii sida ay warbaahinta u sheegeen xubno ka tirsan kalluumeysatada xeebaha Muqdisho.

Illaa lix qof iyo sideed doomood ayey sheegeen in baddu qaaday oo la la’yahay, kadib markii ay dabeylo ku dhufteen xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Sidoo kale waxa ay sheegeen xubnahaan ka tirsan kalluumaysatada Muqdisho, in haatan ay is taagtay shaqadoodii cid ku dhiira kartana aysan jirin inay kalluun soo jilaabato, maadaama ay dabeyluhu weli kacsanyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here