Kalkaaliso u geeriyootay Covid-19 oo laga soo badbaadiyay canug uurkeeda ku jiray

0
279

London-(Idaacadda Waamo)-Waxaa lasoo baadbaadiyay canug ay dhashay kalkaaliso si weyn looga qaddariyo dalka UK kaddib markii ay u geeriyootay cudurka Coronavirus.

Kalkaalisadan oo lagu magacaabi jiray Mary Agyeiwaa Agyapong, waxay muddo shan ah ka howlgaleysay cisbitaalka Luton and Dunstable University Hospital halkaas oo ay Axaddii ku dhimatay.

Afahayeen u hadlay isbitaalka wuxuu sheegay in canuga laga soo badbaadiyay hooyadiis uu badqabo balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin.

Mary Agyeiwaa Agyapong waxaa loo qaaday isbitaalka 7-dii bishii Abriil, waxaana laga helay coronavirus.

Seygeeda ayaa haataan si iskiisa ah isu karantiilay kaddib markii laga helay Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here