Kaddib go’aankii Borussia Dortmund tababare Solskjær oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan heshiiska Jadon Sancho

0
314

Manchester(Idaacadda Waamo)Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa kaddib markii ay xalay u soo baxeen wareega afarta ee tartanka UEFA Europa League wuxuu ka hadlay arrinta ku saabsan heshiiska ay ku doonayeen xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Kooxda Manchester United ayaa guul ka soo gaartay naadiga Koebenhavn oo ay kula soo ciyaartay dalka Jarmalka, inkastoo waqti dheeri ah la isla aaday, haddana wuxuu kulanka ku soo idlaaday 1-0 ay ku adkaatay United-ka, kaddib gool ku laad ay heshay waxaa gool u bedelay rigooradaas Bruno Fernandes.

Magaca Jadon Sancho ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester United xagaagan, waxayna wargeysyada England ay xaqiijiyeen in United-ka ay go’aamin doonto heshiiska.

Laakiin si layaab leh ayey kooxda Borussia Dortmund go’aan kama dambeys ah ka soo saartay arrinta Jadon Sancho, waxaana kooxda reer England lagu wargeliyey in Sancho uu sii joogi doono Dortmund xilli ciyaareedka soo socda.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa xaqiijiyey inay hubaal tahay in Sancho uu sii joogi doono kooxdooda xilli ciyaareedka 2020/21 season, kaasoo dharbaaxo dhanka suuqa ah ku ah kooxda Man United.

Haddaba ciyaartii xalay ee  kooxaha Man United iyo Koebenhavn kaddib ayuu tababare Ole Gunnar Solskjær ka soo muuqday shir jaraa’id, waxaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd heshiiska Jadon Sancho wuxuuna ku jawaabay:

“Kama hadli karo ciyaaryahan aan ka tirsaneyn kooxdeyda, taas ma sameyn karo, qof walbana wuu ogyahay arrintan, waligeyna ma sameynin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here