Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kabtan Xulka Qaranka Argentina iyo kooxda reer Marekan ee Inter Miami CF ayaa xalay guul weyn usoo hooyiyay xulkiisa Argentina kulan ay la ciyaareysay xulka Venezuela, ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo uu labo kamid ah goolashaasi dhaliyay Leo Messi.
ciyaarta kadib Leo Messi ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka hadlay waqtiga uu hawlgabka ka noqonayo kubbadda cagta wuxuuna yiri “Waan jeclahay tan, waan jeclahay kubbadda cagta mana doonayo in ay weligeed dhammaato “.
kabtanka isagoo hadalkiisa sii wado ayuu sheegay “waxaan rabaa in aan tallaabo tallaabo u qaado ciyaarista kubbadda cagta, maalinba maalinta ka dambaysa waxaan dareemayaa fir fircooni hor leh.”