Juventus oo Ku Guulaysatay Koobka Supercoppa Italiana, Napoli Ayeyna Qaadeen.

0
377

Italy-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Juventus ayaa ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana kadib markii ay garaaceen kooxda Napoli kulan xiiso lahaa.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar qurux badan xilli ay Juventus ay maamulaysay ciyaarta dhanka kubad haysashada.

Kooxda Napoli ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr jeer ku halis galisay kooxda Juventus.

Labada goolhaye ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo sameeyay badbaadino waali ah kana hor istaagay labada kooxood goolal badan, Labada kooxood ayaa bar-baro gool la’aan ah ku kala baxay qaybta hore ee ciyaarta inkasta oo ay sameeyeen fursado cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan iyaga oo aan ka daalin arintaas.

Daqiiqadii 64-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo, Napoli ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha xilli ay Juventus doonaysay in ay ciyaarta disho oo ay goolal kale dhaliso.

Kooxda Napoli ayaa daqiiqadii 80-aad dhalisay heshay fursad ay ku dhalin kartay goolka bar-baraha kadib markii rikoodhe loo dhigay laakiin xiddiga Lorenzo Insigne ayaa kooxdiisa khasaariyay fursadaas.

Daqiiqadii ugu dambaysay ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana markii 9-aad ee taariikhdooda.ImageImageImage

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here