Juventus Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Cristiano Ronaldo.

0
289

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxda Reer italy ee Juventus ayaa Doonaysa in ay Heshiis Cusub oo 2 Sano ah Ka Saxiixato Xiddiga Kooxdeeda ugu Fiican ee Cristiano Ronaldo Sida ay Sheegayaan Wararku.

Xiddiga Reer Portugal ayaa Noqday Da’da 35 jir Bishii February Laakiin Waxa uu Wali sii Wadaa Dhalinta Goolasha iyo Waliba Jabinta Rikoorada Kubada Cagta.

Wargayska Tuttosport ayaa Sheegaya in ay Kooxda Juvenus Doonayso Xiddigii Hore ee Real Madrid iyo Man United Ku Qanciso in uu Sii Joogo Garoonka Allianz Stadium ee Kooxda Juventus.

Heshiiska uu  C.Ronaldo Kula Jiro Haatan Kooxda Juventus ayaa Dhici Doona Xagaaga 2022 Waxaana ay Kooxdu Doonaysaa in ay Xiddiga Ka Saxiixato Heshiis Cusub oo 2 Sano ah Si uu Kooxda u Sii Joogo ilaa Xagaaga 2024 Taas oo La Macno ah in uu Wakhtigaas Noqon Doono Da’da 39 Jir.

Ronaldo ayaa Haatan Kooxda Ka Qaata Mushahar Dhan 500 Kun oo Gini Todobaadkii Laakiin Waxaa ay Doonaysaa in ay Kor ugu Qaado Mushahaarkiisa Si ay ugu Qanciso inuu Sii Joogo Kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here