Juventus oo dalab u dirtay xiddiga Kooxda Manchester United ee Paul Pogba, isla markaana doonaya inay dib u soo ceshato

0
110

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Juventus ayaa dalab u dirtay laacibka khadka dhexe ee Manchester United, Paul Pogba, iyadoo doonaysa inay dib ugu soo celiso dalka Talyaaniga.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Pogba ayaa dhankiisa la soo warinayaa inuu doonayo inuu dib ugu laabto Magaalada Turin oo ay ka dhisan tahay Juventus.

Suxufiga Rudy Galetti ayaa warinaya in Juventus ay dalab qandaraas ah u dirtay xiddiga Kooxda Manchester United ee Paul Pogba.

Wada xaajoodyada 28-sano jirka ah uu dib ugu soo laabanayo Magaalada Turin suuqa xagaaga ayaa hadda si deg deg ah u socda sida warbixinta lagu sheegay.

Rudy Galetti waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Kooxda Juventus ay isku diyaarinayso inay heshiis afar sanadood ah hordhigto Pogba, qandaraaskaas oo uu ku qaadanayo mushahar dhan 9 milyan oo gini oo lagu daray gunnooyin.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay jirto calaamado yar oo muujinaya in Pogba uu ogolaaday heshiis kordhinta Kooxdiisa haatan ee Man United ayaa haddana waxa ay u muuqataa inuu qaab bilaash ah dib ugu laabanayo Naadiga Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here