Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola Oo Xayiraado Lagu Soo Rogay Maalin Ka Hor Kulanka Man City vs Liverpool

0
153

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Labada tababare ee kooxaha Liverpool iyo Manchester City ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa lagu soo rogay xayiraado saacado ka hor kulanka Carabao Cup ee Khamiista ay labadan kooxood midkood ugu sii gudbi doonto wareegga saddexaad, midda kalena tartanka kaga hadhi doonto.

Man City iyo Liverpool ayaa isku dayaya inay hoos u dhigaan xamaasadda u dhaxaysa taageereyaashooda, kaddib xilli ciyaareedyo ay jamaahiirtu gaadheen inay ciyaartoyda quraarado ama dhalooyin ku tuuraan, isla markaana cadaawaddoodu sii fogaanaysay, taas oo ka dhalatay xafiiltanka ay Reds iyo Sky Blues sida adag ugu loollamayeen horyaalka Premier League.

Klopp iyo Guardiola ayaa laga mamnuucay in uu midna ka gudbi karo garoonka oo uu u tallaabi karo dhinaca kooxda kale inta ay socoto ciyaartu, si meesha looga saaro in ay isku dhacaan tababareyaasha iyo ciyaartoyda kursiga kaydka fadhida.

Pep Lijnders oo ah tababare ku-xigeenka Liverpool oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in lagu amray taxadar badan inay sameeyaan dhinacyadu, hoosna u dhigaan xiisaddooda.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed wada-jir ah oo shalay ay soo saareen labada kooxood ayaa lagaga codsaday taageereyaasha labada kooxood inay ka caawiyaan sidii looga hortegi lahaa kuwa tirada yar ee sababta u ah rabshadaha si loo ilaaliyo sumcadda iyo magaca labada kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here