Jules Kounde oo ka Jawaabay Xiisaha Chelsea u qabto Saxiixiisa

0
12

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Barcelona ayaan la filayn in ay dhibaato kala kulanto sidii ay heshiis wakhti dheer ah uga saxiixan lahayd daafaceeda muhiimka ah ee Jules Kounde inkasta oo ay kooxda chelsea xiiso u qabto suuqa kala iibsiga.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta xoojinta daafaca ka hor xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo Benoit Badiashile iyo Tosin Adarabioyo ay ku dhibaatoonayaan kooxda.

Blues ayaa sidoo kale waxaa soo maray arrimo dhanka daafaca midig ah, iyadoo Reece James uu xitaa ka shaqeynayey khadka dhexe toddobaadyadii la soo dhaafay.

Awooda Kounde uu uga ciyaari karo labada boos ee daafaca Iyo waliba garabka daafaca ayaa keentay in ay Chelsea u qabto saxiixa xiddiga.

Laakiin Marca ayaa warinaysa in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu ilaa haatan ku dhiiri galiyay madaxda Barcelona isku dayadii hore ee ay ku qiimaynayeen rabitaankiisa ah in uu qandaraaska u kordhiyo wax ka badan ilaa haatan 2027.

Kounde “wuxuu rabaa inuu sii joogo” mana lahan “wax niyad ah inuu ka tago” Barcelona.

26-sano jirkaan ayaan wali seegin hal kulan tartan kasta ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku soo bilowday inta badan 45-kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here