Jubbaland oo Mashaariic horumarineed ka dhagax dhigtay deegaanka Dooxa-garaseey

0
227

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tulada Dooxa-Garaseey oo hoostimaada deegaanka Goobwayn ee waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa ah tuulo yar oo ay daganyihiin dad isugu jira beeraley iyo Xoola dhaqato,waxaana dadkii deegaanka horay u daganaa hada ku soo kordhay dad ay abaartu ka soo barakicisay meelihii ay daganaayeen.

Dadka ku nool tuulada Dooxa-Garaseey ayaa baahi wayn u qaba helidda adeegyada aas aasiga u ah nolosha bulshada sida,Caafimaadka iyo waxbarashada ,Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka dowlad goboledka Jubbaland ayaa tuulada ka dhagax dhigay  xarun Caafimaad iyo goob waxbarasho,kuwaas oo dhismohooda dhawaan la bilaabi doono.

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here