Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Jubbaland kaas oo ka qabsoomay xaruunta madaxtooyada ee magaalada kismaayo.
Maxweyne ku-xigeenka ayaa magacaabay guddi ka kooban Todoba (7) Wasaaradood oo loo xil saaray u kuur galidda xaladda bini aadannimo oo ay sababeen robabkii xoganaa ee ka da’ay degaannada Jubaland iyo dabeylo xoogan oo kudhuftay qaar kamid ah degaannada Jubaland.
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.