Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Isbeddelka Cimilada ayaa saameyn aad u ballaaran ku yeeshay Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan deegaannada Jubbaland oo ay ka dhaceen fatahaado iyo abaaro daba dheeraaday oo saameeyay dadka iyo duunyada.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland, Caydiid Saleebaan Xaashi, ayaa ka warbixiyay saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada ku yeeshay Jubbaland. Wasiirka ayaa sheegay in abaaraha soo noqnoqda, roobabka aan di-waqtigi lasugayay, iyo kulaylka sii kordhaya ay keeneen barakac, cunto yari, iyo dhibaato ku timid Xoolaha iyo Beeraleyda.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.