Juan Mata oo qandaraas cusub la galay Manchester United

0
258

Manchester(Idaacadda Waamo)Xiddiga khadka dhexe kubadda ka abuura ee Juan Mata ayaa qalinka dul dhigay qandaraas cusub oo uu kaga sii mid ahaanayo kooxda Manchester United.

Heshiiskii hore ee 33-jirkan kula jiray Red Devils ayaa ku ekaa bishii dhammaatay waxaana haatan la guddoonsiiyay qandaraas kale oo hal sano kaasoo dhici doona bisha June ee 2022.

Laacibka Isbaanishka ah ayaa Man United u ciyaaray 273 isagoo dhaliyay 51 gool tan iyo markii uu January 2014 kaga soo biiray kooxda Chelsea isagoo Old Trafford ku yimid 37.1 milyan oo gini oo uu xiligaas ku noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda kahor inta aysan kooxda sameyn saxiixyo ka qiimo badan kii ay kusoo qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here