Jordan Henderson oo Durba Loo Magacaabay Kabtanka cusub ee Kooxda Al-Ettifaq

0
143

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Al-Ettifaq Steven Gerrard ayaa kabtanka cusub Kooxda Al-Ettifaq u magacaabay Jordan Henderson.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa heshiis seddex sanno ah u saxiixay kooxda Saudi Pro League ee Kooxda Al-Ettifaq, waxaana loo magacaabay kabtanka cusub kooxdaasi.

Kabtan Henderson oo 33 jir ah ayaa ka tagay Kooxda Liverpool ka dib 12 sano oo uu la joogay kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield.

Kabtanka cusub ee kooxda Al-Ettifaq ayaa daawaday kulankii ugu horeeyay ee ay kooxdiisu ciyaartay iyaga oo 4/0 ku badiyay kulan xiiso lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here