Joe Cole Oo Saadaaliyay Champions League Kadib Guushii Arsenal, Barcelona Iyo PSG

0
6

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Joe Cole ayaa daaha ka qaaday saadaashiisa kooxda ku guulaysanaysa Champions League dib markii Arsenal, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ay wacdaro ka dhigeen wareega 8 dhamaadka.

Arsenal ayaa ku hogaamin doonta garoonka Bernabeu isbuuca soo socda ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Real Madrid garoonka Emirates Stadium.

Real Madrid ayaa samysay Soo laabashooyin cajiib ah champions League sanadihii ugu dambeeyay laakiin waxa ay u baahanyahay mucjiso si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka.

Iska kulankii hore ee isla todobaadkaas kulan kale kooxda Serie A ka dhisan ee Inter Milan ayaa 2-1 ku garaacday kooxda Jarmalka ee Bayern Munich iyadoo uga mahadcelineysa Davide Frattesi oo dhaliyay gool wakhti dambe ah.

Xamaasadda ayaa sii socotay Arbacadii iyadoo Barcelona ay 4-0 ku xasuuqday Borussia Dortmund isla markaas Hal lug la gashay wareega xiga.

Kooxda PSG ayaa ugu dambeeyn 2/1 Kaga badisay Kooxda Aston villa iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah.

Kadib markii uu daawaday 4-tii kulan ee 8 dhamaadka Cole ayaa PSG u arkaa kooxda ugu cadcad ku Guulaysiga koobka Champions League.

“Aston villa SI Fiican ayay u ciyaartay runtii”ayuu Cole yidhi

“Laakiin PSG ayaa kooxaha u awood sheeganaysa”

Mar la waydiiyay hadii ay kooxda Real Madrid fursad u haysato in ay ka badiso Arsenal ayuu yidhi”Maya. Arsenal si fiican ayey ugu diyaarsan tahay inay iska celiso”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here